Australia Explained: Sharciyada iyo xeerarka kalluumaysiga Australia ma taqaannaa?

Australia Explained - Fishing

It's estimated that one in five adults participate in recreational fishing every year. Source: Moment RF / Belinda Howell/Getty Images

Ma rabtaa inaad kalluumaysi u baxdo? Hubi inaad taqaanno xeerarka iyo sharciyada, sida ruqsadaha kalluumaysiga, xilliyada aan la oggolayn kalluumaysiga, xajmiga kalluunka, qalabka kalluumaysiga iyo nooca dabar-go'a halis u ah ee aan la jillaaban karin.


Key Points
  • Gobolladu waxay kalluumaysiga u leeyihiin sharciyo kala duwan
  • Ganaaxyo adag baa ka dhasah xeerka kalluumaysiga oo la jebiyo
  • Inaad kalluumaysato waa qayb ka mid ah dhaqanka Australia, waxaana ku lammaan in si mas’uuliyad qaad leh loo jillaabto kalluunka.
  • Sidee kalluumaysiga looga jecelyahay Australia?
  • Sharciyada kalluumaysiga ee gobollada
  • Ma u baahan tahay ruqsad kalluumaysi?
  • Waa maxay halista kalluumaysigu?
  • U kalluumayso si mas'uuliyad leh
Ma ogtahay in shantii qof ee Australian ah oo qaangaadheyba, mid ka mid ahi kalluumayto ama soo jillaabto kalluun sannad kasta?

Australia Explained - Fishing
Nin gadanaya xadhigga kalluumaysiga Credit: aywan88/Getty Images

Sidee kalluumaysiga looga jecelyahay Australia?

Marka loo eego , shaashadaha ay waayahan dadku waqti badan ku lumiyaan hor-fadhigooda, kalluumaysigu waa nasasho iyo nefis dadka soo jiija, waxaana la yaab leh, inuuba labaatankii sano ee ugu dambeeyey heerka kalluumaysigu kor u kacay.

Daraasad ballaaran oo ay daabacday Dowladda Australia sanadkii 2023-kii ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 4.2 milyan oo qof oo qaangaar ahi, ay sannad kasta kalluumaystaan.


“Australia labo jeer oo keliyaa laga sameeyey sahan noocan ah” Andy Moore oo Saynisyahan ku ah kalluumaysiga, ayaa hoggaaminayey sahankii ugu dambeeyay ee heer qaran ee lagu sameeyay dadka u kalluumaysta si ku-nasasho ah. Wuxuu sheegay in in-kasta oo tirada dadka kalluumaystaa aanay si weyn isu beddelin labaatankii sano ee la soo dhaafay, ay haddana nooca iyo sida loo kalluumsayto, iyo cidda kalluumaystaaba is beddeleen.

“Waxa xiiso lahayd, in intii u dhaxaysay 2001-kii iyo markii la qabtay sahankii ugu dambeeyay, ay dadka kalluumaysta, oo ahaa qiyaastii 20% — ay isku mid ahaayeen, oo aanay is beddelin.” ayuu yiri
Mr Moore, wuxuu sidoo kale tilmaamayaa inay bulshyoonkii Australia isla beddelayaan waqiga, iyadoo bulshooyin badan oo leh dhaqammo kala duwani ay kusoo kordhayaan kalluumaysiga.

“Mararka qaarkoodna jiilal badan oo dhaqan ahaan dalal kale uga kalluumaysan jirey, ayaa markay Australia yimaadaanna sii wata.

Australia Explained - Fishing
Qaar ka mid ah meelaha dhagaxa korkiisu lagu kalluumaysto (rock fishing) ayaa kalluumaysatada uga diga khatarta Source: Moment RF / Simon McGill/Getty Images

Sharciyada kalluumaysiga ee gobollada

Stan Konstantaras waa madaxa isbahaysiga Recreational Fishing Alliance ee gobolka New South Wales, isbahaysigaa oo metela urur-hoosaadyo kale oo iyana metela ururada kalluumaysiga isboortiga, kalluumaysiga biyaha macaan, kalluumaysiga fallaadhaha (spear fishing), ee guud ahaan gobolka NSW.

Wuxuu sheegay in goballada kala duwani ay leeyihiin xeerar kala duwan oo u gaar ah — ha ahaato tirada iyo cabbirka kalluunka la oggol yahay in la jillaabto, ama noocyada qalabka kalluumaysiga ee la isticmaali karo-ba'e. Sida:
  • Xajmiga kalluunka iyo tirada laguu oggol yahay 
  • Xeerarka u yaalla kalluunka halista ugu jira dabar go'a
  • Qalabka kalluumaysiga ee aad isticmaalayso  
Xeerarka kalluumaysiga si sahlan ayaa looga heli karaa online, gobollada qaarkoodna waxayba leeyihiin macluumaad turjuman. Laakiin haddii ay tahay markii kuugu horreysey kalluumaysi, booqo dukaammada lagu iibiyo qalabka kalluumaysiga ee deegaankaaga.
Australia Explained - Fishing
Ciqaabaha, xeerarak kalluunka oo la jebiyo waxaa ka mid ah ganaaxyo iyo xabsi. Credit: SteveLuker/Getty Images
Booqo websiteyada gobolloada si aad uga ogaato sharciyada gobol kasta u gaar ah:
Mr Konstantaras ayaa sharxayaa sababta dukaamada qalabka kalluumaysiga ee deegaanku, aysan keliya iibinin qalabka — laakiin ay sidoo kale yihiin meel laga helo tallada kalluumaysiga.

“Haddii aadan Ingiriisi ku hadlin iyo haddii kaleba, waxaad iyaga u tahay macmiil, wayna kusoo dhoweynaayaan"
Dadka leh ama jooga dukaammada qalabka kalluumaysigu way kusoo dhoweynaayaan, waana meel wacan oo laga helo mucluumaad nacfi leh. Way dulqaad badan yihiin, waana kalluumaysato iyaga qudhoodu. U tag oo wax ka weydii sharciyada kala duwan ee kalluumaysiga
Stan Konstantaras

Ma u baahan tahay ruqsad kalluumaysi?

Gobollada qaarkood loogama baahna ruqsadda kalluumaysiga sida: South Australia, Queensland, iyo the Northern Territory. Laakiin xataa gobollada kale ee looga baahan yahay ruqsadda, qiimaheedu waa jaban yahay. Waxaase muhiim kuu ah inaad ruqsadda ka iibsato website-ka dowlaadda oo keliya.

Waxaan kaaga digayaa inay jiraan dhowr website oo qalin-shubato ah, oo markaad google-ka isticmaasho kuusoo baxaya, kuwaasoo ruqsadda kaa siinaya $90 illaa $100. Badankooda dalka debeddiisa ayaa laga leeyahay. Waxaynu isu ekeysiiyaan websiteka dowladda. Si aad ug badbaadona, waxaad toos u wici kartaa hay'adda kalluumaysiga qudhheeda ama aadba booqan kartaa website-kooda ayuu yiri Travis Dowling, Agaasimaha Guud ee Victorian Fisheries Authority.

Waa maxay halista kalluumaysigu?

Ogoobey, kalluumaysigu ma khatar la'a. Nooca kalluumaysiga, ee dhagax ku yaalla xeebta korkiisa la isku taago, dabadeed la kalluumaysto waxaa la yiraahdaa Rock fishing, waana mid ka mid ah nooca ugu halista badan , iyadoo in ka badan 240 qof ay ku dhinteen 20-kii sano ee la soo dhaafay. Dadkaas ayaa u badnaa dadk soo-galooti ah.

Waxaa muhiim ah in qofka kalluumasanayaa uu xirto jaakadda badbaadada ee la yiraahdo life jacket.

U kalluumayso si mas'uuliyad leh

Waxaa jira laba xeer oo dahabi ah oo ay tahay in qof kasta oo kalluumastaa, meeshuu doono ha jooge'e, uu xasuusto kuna dhaqmo:

1. Mas'uuliyad qaad
2. Muuji ixtiraam

Travis Dowling oo ka tirsan t Victorian Fisheries Authority sums ayaa ku talinaya:

“Inta aadan guriga ka bixinba kasii feker, in mar-labaadka aad soo laabato, goobtu kuu sii ahaato nadiif iyo ammmaan. Wax qashin ah, ha kaga tegin meesha, sida, xadhkihii kaa go'ay iwm.'"
Nagu soo biiir oo la soco podcast-ka Australian Explained si aad uga hesho mucluumaad nacfi leh oo kaa caawiya degitaanka Australia iyo ku xasilka noloshaada cusub.


Ma qabtaa su'aal, mase nagu soo kordhin kartaa feker? fadlan noogu soo dir australiaexplained@sbs.com.au 

Share
Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand