Sida looga badbaado kulaylka xad-dhaafka ah ee Australia

Young woman having hot flash and sweating in a warm summer day

It's important to stay in the shade and hydrated during hot summer days. Source: iStockphoto / eternalcreative/Getty Images

Xilliga xagaaga ee Australia aad buu u kululaan karaa, iyadoo isbeddelka cimiladuna sababayo in kulaylka darani soo noqnoqdo oo sii xoogeysto. Qaybtan barnaamijka Australia Explained, waxaan ku sharaxaynaa waxa uu yahay 'heatwave', sababta uu khatar weyn ugu yahay caafimaadka dadka, cidda ugu nugul saameyntiisa, iyo sida ugu habboon ee loogu diyaargaroobo oo loola qabsado.


Key Points
  • Heatwave waa marka heerkulku sii ahaado mid aad u sarreeya maalintii iyo habeenkiiba, muddo saddex maalmood ama ka badan
  • Soo saarista Qiimeynta Khatarta Cimilada Qaranka ee ugu horreysa ee Australia waxay muujinaysaa in dunida sii kululaaneysa awgeed, uu heatwave-ku sii badanayo siina xoogeysanayo.
  • Australia gudaheeda, heatwave-ku wuxuu galaaftaa nolosha dadka ka badan masiibo kasta oo dabiici ah, wuxuuna si gaar ah khatar ugu yahay dadka waayeelka ah, kuwa qaba xanuunno hore u jiray, carruurta aadka u yaryar, iyo haweenka uurka leh.

Waa maxay heatwave?

Dhacdooyinka cimilo-xumada daran, sida heatwave-ka, ayaa noqon doona kuwo aad u badan oo aad u daran, taasoo yeelan doonta saameyn bulsho, caafimaad, dhaqaale iyo deegaanba.

Australian Climate Service, waa adeega cimilada Australia’e, ayaa dhowaan soo saaray qiimeyntii ugu horreysay ee Qaranka ee Khataraha Cimilada - National Climate Risk Assessment - taasoo muujisay in dunida sii kululaanaysaa, ay sababayso, in khataraha dabiiciga ah ee innagu xeerann is-beddellaan.

Extreme weather events such as heatwaves will become more frequent and intense, which will have social, health, economic and environmental impacts.

Infrastructure such as homes and workplaces can often have difficulty functioning to remain cool during a heatwave, making it an uncomfortable time for people and a risk to our health.

Professor Ollie Jay, oo ah Agaasimaha Tacliinta ee Xarunta Cilmi-baarista Kulaylka iyo Caafimaadka ee Jaamacadda Sydney University, ayaa sheegay in dhicitaanka isbeddelladan durba la arkay.



“Waxa aan aragnay 20-kii sano ee u dambeeyay ama ku dhowaadkood, waa inay tirada heatwave-yadu sii kordhayaan. Muddada ay socdaanna way dheeraanayaan, sidoo kalena way kasii kululaanayaan sidii hore.”)) ayuu yiri
sydney-4034243_1920.jpg
Sydney on a hot day. Credit: Hans / PIxabay

Muxuu heawave-ku khatar u yahay?

Heavwave-ka waxaa khatar ka dhiga, isku darka arrimaha deegaanka ee keena culeyska kulaylka (heat stress), iyo saameynta ay ku yeelato jirkeenna, ee iyana loo yaqaan (heat strain).

“Culeyska kulaylka, heatstress, waxaa keena deegaanka: sida heerkulka, oo lagu cabbiro hooska, qoyaanka la socda hawada, haddii ay fallaaraha qorraxdu toos kuugu dhaceen iyo in kale, iyo sidoo kale xoogga dabaysha. Culeyska jirku (heat strain) waa culayska jireed ee uu jirkaagu la kulmayo,” ayuu yiri

Marka jirkaagu la kulmo heatstress, heerkulka jirka ayaa kacaya, taasoo kordhinaysa khatarta xaaladda caafimaad ee la yiraahdo (heat stroke), oo ay sababto, fal-celin uu jirku sameeyo oo keeni karta dhimasho.

Professor Jay wuxuu sharxayaa, in heatstroke uusan ahayn dhibka ugu weyn ee ka dhasha heatwave-ka ama kulaylaha is-daba-joogga ah.

“But it's not really heat stroke that is responsible for the majority of hospital cases or deaths during heat waves. What we see is a big spike in catastrophic cardiovascular events,” Professor Jay explains.
Dadka qaba cudurrada wadnaha khatar aad u weyn ayay ugu jiraan, in wadnuhu istaago heatwave-ka awgii. Taas waxaa sabab u ah, jirka ayaa dhiigga u weeciya maqaarka, si uu isu maqaarku isu qaboojiyo, taasoo dabadeed culays badan saarta wadnaha
Professor Ollie Jay
“Waxaannu aragnaa, waa koror weyn oo ku yimaada dhacdooyinka halista ah ee wadnaha iyo xididdada dhiigga. Dadka qaba cudurrada wadnaha khatar aad u weyn ayay ugu jiraan, in wadnuhu istaago heatwave-ka awgii.”

Dadka waayeelka ah ayaa aad ugu sii nugul kulaylaha, maadaama aanu dhididkoodu si wacan u shaqaynin.

Heatwave, marka la barbar dhigo khataraha kale ee dabiiciga ha, waa dilaaga ugu daran Australia gudeheeda, sida ay sharxayso Dr Michelle Hamrosi oo ah dhakhtar qoys

"Heatwave-ka waxaa loo yaqaan dilaa aamusan, sababtoo ah wuxuu culays saaraa jirkeena wuxuuna sii xumeeyaa cudurrada daba-dheeraada, gaar ahaan dadka horey u lahaa xaalado caafimaad. Waxaan sidoo kale ognahay, in heatwave-ku saameeyo caafimaadka maskaxda. Tirada dadka isbitaallada u yimaada arrimo la xiriira caafimaadka maskaxdu, aad ayay u kordhaan inta lagu jiro heatwave-yada. Dagaalka iyo is-dilidda ayaa iyana kordha. " ayay tiri
Professor Ollie Jay - University of Sydney.jpeg
Professor Ollie Jay, Academic Director of the Heat and Health Research Centre at the University of Sydney – image University of Sydney. Credit: Joseph Byford Photography

Muxuu heatwave-ku khartar ugu sii yahay haweenka uurka leh?

Michelle waxay sheegtay in, sidoo kale, heavwave-ku khatar ku yahay haweenka uurka leh

“Haddii aad, aad u kululaato, waxay si dhab ah u saameyn kartaa caafimaadka ilmaha uurka ku jira. Waxaana kugu badan karta khatarta jidh-harraadka, cadaadiska dhiig oo kordha, iyo inaad horey u foolato.”

Hooyadan la yiraahdo Rebecca DeMarco ayaa sheegtay in heatwave-ku saameeyey caafimeedkeeda intii ay uurka ku siddey mid kasta oo ka mid ah saddexdeeda carruur ahba.

Waxayna sheegtay inay aad u muhiim u tahay, in haweenka uurka lehi, ka sii tabaabulshaytaan heatwave-ka

"Sii qorshee oo ogow waxa kugu soo aaddan. Biyo qabow ku qubayso, u bixitaanka kulaylkana iska yaree, sidoo kale yaree kulaylka guriga gudihiisa, sida inaad daarato qaboojiyaha ama marawaxadda. Horey ugu sii diyaar-garow inta aanay xaaladdu faraha ka bixin" ayay tiri

Dr Michelle Hamrosi - image supplied.jpg
General Practitioner Dr Michelle Hamrosi. Credit: Dr Michelle Hamrosi.

Sidee la isugu diyaariyaa heatwave-ka?

Dr Hamrosi ayaa iyaduna ku adkaynaysa dadka, inay qorshe usii lahaadaan heatwave-ka

“Qaybtee ayuu gurigaagu ugu qabow yahay? Meel gaar ah guriga ma kasii diyaarsan kartaa? Inta badan qaboojiyuhu qol uun buu ku xiran yahay. Haddii aadan qaboojiye haysanin, kasii feker inaad aaddo guri saaxiibkaa, qoys, Library ama goobaha waaweyn ee ganacsiga." ayay tiri

“Ogow in korontadu tegi karto, kana sii diyaar-garow. Dhalooyin biyo ah sii qaboojiso, siina diyaarso dhalooyinka ama caaga buufinta leh, si aad biyo isugu buufiso, cuntada iyo daawooyinkana qaboojiyaha sii gasho.”

Fur daaqadaha inta dabayl qabowi jirto, iskana xidh marka heerkulku bilaabo inuu kaco. Sii diyaarso nidaam aad u raacdo maamulidda qabowga iyo kulaylka gurigaaga gudihiisa.
bath-2192.jpg
Inaad biyo qabow ku qubaysato ayaa kaa caawin karta kulaylaha daran - image PublicDomainPictures / Pixabay.

Sidee la isga badbaadiyaa heatwave-ka?

Marka kulaylaha darani yimaado samayso oo raac hab sahlan oo aad isga difaacdo:

"Waxa ugu horreeya ee aan subaxa hore sameeyo, waa inaan hoos u dhiigo dhammaan daahyada daaqadaha, oo aan dabadeed shido marawaxadaha – marawaxaduhu waa hab wacan oo lagu qaboojiyo guriga, gaar ahaan haddii aad maqaarka biyo ku qoyso, adigoo hoos fadhiya marawaxadda. Haddiise aad shiddo qaboojiyaha, ka dhig 26 derajo. Waxay kaa yarayn kartaa kharashka korontada. Dabcan, biyo badanna kabbo-qublee maalinka oo dhan.”)) ayay tiri.

Sida uu sharxayo Professor Jay, isticmaalka marawaxadaha gurigu way wacan yihiin. Waase illaa xad

"Waxaan sameynay daraasado badan oo muujinaya in marawaxaduhu, ayba sii xumeeyaan heatstress-ka, marka heerkulka hawadu ka sarreeyo 40 darajo oo Celsius ah. Heerkaasina waa mid ay dadku ka cabbir qaadan karaan. Isticmaal marawaxadaha marka heerkulku ka hooseeyo 40 darajo, balse haddii uu ka sarreeyo 40 darajo, waxaa kuu roon inaadan isticmaalin.”)) ayay tiri.

ceiling-fan-1333756.jpg
Marawaxaduhu way ku caawiyaan marka kulaylka darani socdo, laakiin waa keliya marka heerkulku ka hoseeyo 40 darajo. Credit: Image eak_kkk / Pixabay.
Hababka kale ee qaboojinta waxaa ka mid ah, in la gu qubaysto biyo qabow, in tuwaallo qoyan la is mariyo, dhar dabacsanna la xidho, iyo inaan la qabannin shaqo culus, sida ay sharraxayso Dr Hamrosi..

((“Ma ka fursan kartaa inaadan baannaanka ugu bixin kulaylaha? Waa meesha ay dad badani ku dhibtoodaan. Lacalla aad leedahay ballan dhakhtar, ma ka dhigan kartaa nooca telephone-ka, si aadan ugu bixin qorraxda”]] aya tiri

Xusuusnow inaad sidoo kale ka war-hayso deriska iyo ehelka waayeelka ah. Haddii adiga ama qof kale uu xanuunsanayona, sidii aad isu qaboojin kartaanba isu qaboojiya.

“Dadka waayeelka ah , ama xanuunsani, ma ku nasan karaan meel qabaw? Si tartiib-tarbiib ah, ma u kabbo-qubleyn karaan biyo dheeraad ah? Ma isku duubi karaan maro qabow, ama ma ku qubaysan karaan biyo qabo? Waxaas oo dhan haddii xaaladdoodu ku hagaagi weydo oo ay kasii darayso, waxaa lagula talinayaa inay wacaan dhakhtarkooda ama Health Direct. Haddii astaamuhu aad u daran yihiin, sida jahawareer, suuxdin, xanuun laabta ah, ama heerkul aad u sarreeya, u yeero Anbulance.”))ayay tiri..”

Carruurta yaryar, u xidh dhar fudud, xitaa xafaayad kaliya ku daa maalmaha aadka u kulul, hubina, in loo waraabiyo si ku habboon da’dooda.

((“Qubeys qabow waa loo samayn karaa. Inay biyo ku dabbaashaan oo ku cayaaraan ayaa aad ugu wacan kulaylaha. Talada kale ee aad muhiim u ahi, waa inaadan carruurta kaga tegin gaariga gudihiisa, xataa waqti aad u gaaban, marka heatwave-ku jiro. Carruurta yaryari si dhakhso ah bay aad ugu kululaadaan”]] ayay tiri.
Talada kale ee aad muhiim u ahi, waa inaadan carruurta kaga tegin gaariga gudihiisa, xataa waqti aad u gaaban, marka heatwave-ku jiro. Carruurta yaryari si dhakhso ah bay aad ugu kululaadaan”
Dr Hamrosi
Prof Jay, wuxuu kale oo ku talinayaa, haddii aad bannaanka u joogto kulaylka, waa inaad 'hoos' hadhsato, inta ugu badan ee kuu suurto gal ah:


“Waa muhiim inay dadku ogaadaan in heerkulka aynu ka aragno saadaasha hawada laga cabbiro hooska. Haddii aad ay kugu dhacayso qorrax toos ahi, waxaa kugu dhacaya kulayl 15 ilaa 17 darajo ka sarreeya heerkulka aad u malaynayso inaad ku sugan tahay. Sidaa daraaddeed inaad harsataa waa muhiim.” ayuu yiri

Boys Playing a Wading Pool in the Front Yard
Boys Playing a Wading Pool in the Front Yard Source: iStockphoto / davidf/Getty Images/iStockphoto

Xaggee baan a heli karaa talooyin ku saabsan heatwave-ka?

World Health Organization (WHO) website waxaa laga helaa macluumaad wanaagsan oo ku saabsan kulaylka daran iyo talooyin caafimaad.

Waxaad kale oo booqan kartaa website-yada dowlad-goboleedyada kala duwan sida ka
Prof Jay iyo kooxdiisu, waxay sidoo kale sameeyeen macluumaad online ah, oo bilaash ah, lana yiraahdo HeatWatch, HeatWatch tool kaasoo ay dadku naftoogu ugu qiimeyn karaan halistooda kulaylaha.

“Waxaad gelin kartaa da’daada, nooca cudurrada daba-dheeraada hadii aad qabto, iyo inaad haysato qaboojiye. Macluumaadku wuxuu ogaanayaa xaffadda aad deggan tahay, oo uu markaa soo xigayanaa macluumaadka cimilada guud. Kadib wuxuu ku siinayaa dhibco gaar kuu ah, oo qiyaasaya halistaada xanuunka laga qaado kulaylaha. Waxay kaa caawinaysaa inaa fahamto khatarta kulaylku kuu leeyahay maalinkaas ama toddobaadkaasba. ayuu yiri.
Qaybtii Australia Explained ee toddobaadkan, ahni tii ugu dambeysey sannadkan 2025, intaasay ku egtahay.

Fadlan kusoo biir oo la soco Australia Explained, si aad uga hesho macluumaad kaa caawiya degitaanka iyo ku xasilidda dalkaaga iyo noloshaada cusub.

Haddii aan noo hayso talo, ama aad su’aal qabto, fadlan noogu soo dir emailka: australiaexplained@sbs.com.au

Share
Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand