Key Points
- Isticmaalka sunscreen, xidhashada dhar ku habboon iyo hoos-ku waa mid dadka Australia aad loogu adkeeyo.
- Waa la xaqiijiyey in sunscreen-ku ka hor tago saameynta waxyeellada leh ee shucaaca UV
- Waqti kaama tegein inaad isticmaasho sunscreen, laakin sidaad u isticmaasho yaan muhiim ah.
- Khubaradu waxay ku talinayaan in la isticmaali noocyada SPF 30+ or SPF 50+ broad-spectrum, iyo ka biyaha u adkyasta ee ay TGA soo xaqiijisay.
Dadka Australia way jecel yihiin inay qorraxda isu dhigaan. Australia-na waxay ka mid tahay dalalka uu kansarka maqaarku ugu badan yahay adduunka oo dhan.
Dr Linda Martin, waa Madaxa Qaybta Maqaarka ee Jaamacadda University of New South Wales, waxayna dhakhtar daaweeya maqaarka carruurta ka tahay Isbitaalka Carruurta ee Sydney Children's Hospital. Waxaa weliba usii dheer inay tahay lataliye ka tirsan Machadka Melanoma Institute Australia.
“Australia waa caasimadda kansarka maqaarka ee dunida. Saddexdii qof ee Australian ahba labo ka mida ah ayuu kansarka maqaarku ku dhici doonaa. 15-kii qofbana midkooda ayaa halis ugu jira inuu qaadoo melanoma" ayay tiri
Melanoma, inkasta oo aany ahayn ka ugu badan, haddanawaa nooca kansarka maqaarka ugu halis badan.
Inta badan kansarka maqaarka ee Australia waxaa sababa shucaaca qorraxda ee aan ishu qabannin ee la yiraahdo UV radiation oo aad ugu dhaca maqaarka.
Dr Martin waxay sheegtay in war wanaagsan oo ah in halista la yarayn karo haddii dadku beddelaan dhaqankooda.
“Dadka daraasadda lagu sameeyey waxay ahaayeen dad waaweyn; qiyaastii kala bar ka mid ah ayaa ka yaraa 50 sano, kala-barna way ka weynaayeen 50. Toban sannaddood oo loo firrsanayey ka dib, heerka melanoma ee kooxda maalin kasta isticmaalaysay kareemka qorraxdu wuxuu noqday kala bar. Taasi waa caddeyn xoog leh. Waxay muujinaysaa in kareemka qorraxdu shaqeeyo oo uu ka hortago melanoma. Da’ kastana waad ku bilaabi kartaa, xataa haddii aad 50 jir tahay.” ayay tiri
Fariinta dadka loo dirayaana waa mid sida dharaarta u cad: kareemka qorraxdu wuu yareeyaa halista melanoma, goor kasta ama da’ kastana waa lagu bilaabi karaa isticmaalkiisa.
Kareem kasta oo nooca qorraxda ahi, wuxuu leeyahay lambar la yiraahdo SPF oo u taagan Sun Protection Factor.
Australia gudaheedana, hay’adda TGA ayaa xukunta nidaamka kareemada qorraxda, waxayna u aqoonsataa kariimkii numberkiisa SPF-ku yahay 30 iyo ka sare, in laga helo difaac wacan. Laakiin Cancer Council-ku waxay ku talisaan in la isticmaalo SPF 50+.
Dabcan SPF waliba ka uu ka number sarreeyo, wuu ka difaac sarreeyaa, waas haddii si sax ah la isu mariyo.
Kiimiko-yaqaan Anna Wang ayaa sharxaysa.

What can I do to prevent skin cancer?
The good news is that we can control our level of sun protection through our behaviour.
And it starts by limiting how long we spend outdoors, and at what UV rating we choose to go outside, Dr Martin says.
Many who grew up in Australia in the ‘80s are familiar with the slogan ‘Slip, Slop, Slap’, which has evolved today into a five-step evidence-based approach to sun safety:
- Slip on sun-protective clothing
- Slop on SPF 30 or above, broad-spectrum, water-resistant sunscreen
- Slap on a broad-brimmed hat
- Seek shade
- Slide on sunglasses

Can sunscreen protect me from skin cancer?
Shucaaca qorraxda qorraxda ee UV-ga la yiraahdaa waa labo nooc: Mid la yiraahdo UVA iyo kan kale oo ah UVB. Labadubana way keeni karaan kansar.
Nooca UVB wuxuu sabaabaa gubashada maqaarka. Laakiin nooca UVA wuxuu hoos u galaa maqaarka, wuxuuna dhaawic karaa maaddada DNA.
Sidaas darteed ayay muhiim u tahay in la doorto kareemyada ay ku qoran tahay“broad-spectrum”, oo labadaba difaaca.
“Marka kareem lagu qoro broad-spectrum, waxay ka dhigan tahay inuu ka difaacayo UVA iyo UVB labadaba. Qiyaastii 15 sano ka hor, dadku waxay diiradda saari jireen UVB oo sababa gubashada. Laakiin hadda waxaa la ogaadey in UVA, inkasta oo uusan maqaarka casaadin, haddana uu dhaawaco DNA-ga oo kansar keeni karo. Sidaas darteed broad-spectrum waa mid aad muhiim u ah.” ayay tiri Dr. Anna Wang

Fadlan dib uga dhegeyso markaad doonto, kuna soo biir Podcast iyo FB-gu laanta af-soomaaliga ee idaacadda SBS oo cinwaankoodu yahay SBS Soomaali.
Fekred ma noo haysaa? noogu soo dir email: australiaexplained@sbs.com.au





