Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE starting June 12 2026

Australia Explained: Maxaad filan kartaa marka aad rabbaayaddaada u geyso dhakhtarka xayawaanka-ka?

dog_cat_veterinarian_800x500.jpg_vet.jpg

Warbixintan waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in xayawaanka rabbaayadda ah si joogto ah loogu geeyo dhakhtarka (Veterinary) si loo xaqiijiyo caafimaadkooda. Waxayna si gaar ah u sharraxaysaa waxyaabaha laga filan karo xarumaha caafimaadka xayawaanka ee dalka Australia, sida baaritaannada joogtada ah, talaalka, iyo talooyinka ku saabsan daryeelka guud ee fayo-qabka xayawaanka.


Published

By Phil Tucak

Presented by Abdinur Ismail

Source: SBS




Share this with family and friends


Warbixintan waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in xayawaanka rabbaayadda ah si joogto ah loogu geeyo dhakhtarka (Veterinary) si loo xaqiijiyo caafimaadkooda. Waxayna si gaar ah u sharraxaysaa waxyaabaha laga filan karo xarumaha caafimaadka xayawaanka ee dalka Australia, sida baaritaannada joogtada ah, talaalka, iyo talooyinka ku saabsan daryeelka guud ee fayo-qabka xayawaanka.


Key Points

  • Daryeel caafimaad oo joogto ah u samee rabbaayaddaada si looga hor-tago cudurro
  • Rugaha daryeelka caafimaadka degdegga ah ee rabbaayadda waa la helaa habeenkii.
  • Mulkiilaha rabbaayadda ayaa ka mas’uul ka ah, kharashka dhakhtarka iyo daawada.

Maxay muhiim u tahay in rabbaayadda loo geeyo dhakhtarka xayawaanka?

Daryeelka xayawaanka rabaayadda ahi waa mas’uuliyad joogto ah oo ka badan quudinta iyo hoyga oo keliya. Australia gudaheeda, qoysas aad u badan ayaa leh xayawaan rabaayad ah, kuwaas oo badanaa loo arko ina ay yihiin qayb ka mid ah qoyska.

Waxaxaana ka mid ah, dadka rabbaayadda leh, Vera Szito’s [[SIT-OH]] oo leh Eey 13 jir ah, oo ah nooca la yiraahdo Labrador, kana warramaysa sida ay u aragto rabbaayaddeeda.

Australia Explained - Veterinarian
Nearly three quarters of Australian households have a pet. Credit: janiecbros/Getty Images

“Boqolkiiba boqol waa xubin qoyska ka tirsan. Ma aha qof qoyska la mid ah, ee waa qoyska laftiisa. Sida dadka oo kale, waxaa muhiim ah in xirfadle caafimaad, uu si joogto ah ula socdo xaaladdiisa caafimaadka. Baaritaanka sannadlaha ahina wuxuu fursad u siiyaa dhakhtarka, inuu hubiyo caafimaadkiisa guud, siiyo tallaallada loo baahan yahay, isla markaana uu kaaga jawaabo wixii su’aalo ah ee aad qabto.”]] ayay tiri

Diana Barker oo ah dhakhtarad xayawaan ayaa qeexaysa, in aanay inta badan calaamadaha xanuunku, si cad uga muuqannin xayawaanka, taasina ay tahay sababta ay ugu baahan yihiin baarintaanno joogto ah.

“Baaritaannada joogtada ahi waxay dhakhaatiirta ka caawin karaan inay ogaadaan isbeddellada yar-yar oo laga yaabo inaadan adigu dareemin. Waxay sidoo kale ku siinayaan fursad aad kaga hadashaan daryeelka ka hortagga cudurrada. Wuxuuna, xayawaanka qudhhiisa ka yareyn kara walwalka iyo cabsida uu ka qabo geynta xarunta dhaqtarka, maadaama uu si tartiib tartiib ah ula qabsanayo.”]] ayay tiri

Vera Szito and Choccy
Vera Szito with Choccy the Labrador. Credit: Vera Szito

Kusoo biir oo la soco barnaamijka Australia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawiyo degitaanka dalkaaga cusub

Haddii aad noo qabto su'aal ama aad hayso fikir, fadlan oogu soo dir: australiaexplained@sbs.com.au


Latest podcast episodes

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now