Australia Explained: Goorma Ayay Carruurtaadu Shaqo Ka Bilaabi Karaan Australia?

Australia Explained - First Job
Knowing where to reach out for information can help parents ensure their child is treated fairly and has a positive first job experience. Credit: SrdjanPav/Getty Images

Carruurta da'doodu ka yar tahay 18 sannadood way ka shaqayn karaan Australia, waase inay raacaan xeerar waxayna leeyihiin xuquuq shaqaale. Qaybtan Australia Explained waxay waalidiinta iyo masuuliyiinta carruurta u sharxaysaa waxa ay tahay inay ogaadaan si shaqada ugu horreysa ee ubadkoodu u noqoto mid ammaan ah oo waxtar leh.


Published

By Zoe Thomaidou

Presented by Abdinur Ismail

Source: SBS




Share this with family and friends


Carruurta da'doodu ka yar tahay 18 sannadood way ka shaqayn karaan Australia, waase inay raacaan xeerar waxayna leeyihiin xuquuq shaqaale. Qaybtan Australia Explained waxay waalidiinta iyo masuuliyiinta carruurta u sharxaysaa waxa ay tahay inay ogaadaan si shaqada ugu horreysa ee ubadkoodu u noqoto mid ammaan ah oo waxtar leh.


Key Points

  • There is no national minimum working age in Australia.
  • Child employment laws set limits on types of jobs allowed and working hours.
  • Make sure your child receives payslips and also keeps their own records.
  • Parents can reach out to the Fair Work Ombudsman or get legal advice to help their child resolve a workplace issue.

Da'dee bay carruurtu shaqo kaga bilaabaan Australia?

Gobol kasta oo Australia ka mid ahi wuxuu leeyahay sharci u gaar ah oo ku saabsan da'da ay carruurtu ku bilaabaan shaqo.

Si aad u ogaato sharciyada khuseeya carruurtaada, booqo Fair Work Ombudsman’s webpage for young workers.

Waxaa ku jira halkaas bog u gaar ah da'da ugu yar ee carruurtu ku bilaabaan shaqada.

Qareen sare oo ka tirsan Youth Law Australia, Anastasia Coroneo, waxay ku talinaysaa inaad marka hore booqato bogga Fair Work Ombudsman, si aad u ogaato xeerarka khuseeya degaanka aad deggan thay

Australia Explained - First Job
Employees should get a payslip within one day of payment, even when paid in cash. Source: Moment RF / Traceydee Photography/Getty Images

Carrruutu ma shaqayn karaa saacadaha school-ka?

Inkasta oo da'da ugu yar ee shaqadu ay kala duwan tahay, haddana dhammaan gobolladu waxay leeyihiin sharciyo lagu hubiyo in aanay shaqadu wax u dhimayn waxbarashada carruurta.

Guud ahaan waxaa jira xaddidaad saacadaha iyo maalmaha ay shaqayn karaan ah. Badanaa carruurta weli ku jirta da'da waxbarashada khasabka ah looma oggola inay shaqeeyaan saacadaha dugsigu socdo ama habeenkii goor dambe ka hor maalinta iskuulka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiri kara xaalado ka reeban, sida xilliyada fasaxa dugsiyada.

“Mararka qaarkood waxaa nala soo xiriira waalidiinta carruurta wax ku barata guriga oo na weydiiya inay carruurtoodu shaqayn karaan saacadaha dugsigu caadi ahaan socdo. Taasina waxay ku xiran tahay shuruudaha loo oggolaaday waxbarashada guriga,” Ms Coroneo explains.

Waxaa kaloo dhici karta in waalidku shaqooyinka qaar u arko inay ku adag yihiin ilmahooda, inkastoo sharci ahaan la oggol yahay in qabtaan..

"Waxaan marar badan la kulannaa waalidiin ka walaacsan, tusaale ahaan, ilmo 16 jir ah oo ka shaqaynaya makhaayad cunto ilaa laba habeenimo. Laakiin New South Wales sharcigu ma mamnuuco taas haddii uu 15 jir ka weyn yahay,." ayay tiri

Shaqooyinkee baan carruurta loo oggolayn?

Gobollada qaarkood waxay sidoo kale ku waajibinayaan loo-shaqeeyayaasha inay helaan rukhsad gaar ah ka hor inta aysan shaqaaleysiin qof ka yar 18 sano.

Waxaa jira shaqooyin aan loo oggolayn inay carruurtu qabtaan, inkastoo xaalado gaar ah laga reebi karo.

Borofisar Kerry Brown oo ka tirsan Jaamacadda Edith Cowan University ee Western Australia ayaa tusaale u soo qaadanaysa.

Caadi ahaan qof ka yar 18 sano ma iibin karo sigaarka ama khamriga. Carruurtu waa inay qabtaan shaqooyin fudud, kamana shaqayn karaan goobaha dhismahayaasha. Laakiin haddii ay tahay ganacsi qoysku leeyahay, waxaa suurto gal ah in laga reebo shuruuddaa." ayay tiri Kerry Brown.

Carruurta waxaa loo oggol yahay oo keliya inay qabtaa shaqooyinka fudud, loomana oggola inay ka shaqeeyaan dhismayaasha.
Professor Kerry Brown

Ganacsiyaa madadaalada iyo soo dhoweynta ayaa ah qaybta keliya ee aan lahayn da' ugu yar oo shaqo lagu bilaabo.

Carruur da' kasta leh ayaa ka qayb geli kara shaqaynkaro riwaayado, filimaan ama xayeysiisyo, balse waxaa jira shuruudo iyo rukhsado adag oo gaar u ah shaqooyinka noocaas ah.

Borofisar Brown waxay leedayhay in aanay waalidiin badani ogeynba xuquuqaha ay leeyihiin.

"Haddii ilmahaagu ka qaybgelayo ama metelayo riwaayad, filim ama sawir-qaadis, waalidku xaq ayuu u leeyahay inuu weydiiyo loo-shaqeeyaha waxa ilmuhu arki doono, maqli doono iyo waxa laga filayo inuu sameeyo." ayay tiri Kerry Brown.

Australia Explained - First Job
Some jurisdictions require child employment licences from businesses hiring workers under 18. Source: Moment RF / Darya Komarova/Getty Images

Kusoo biir oo la soco Australia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawiya degitaanka dalkaaga cusub.

Su'aal ma noo qabtaa, fekerse ma nagu soo biirinaysaa? Fadlan noogu soo dir Email-ka australiaexplained@sbs.com.au


Latest podcast episodes

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now