Madaxweyne Robert Mugabe oo hogaamintii Zanu PF laga xayuubiyay

Robert Mugabe, and Zimbabweans watching him addresing vi Tv to nation

Zimbabweans watch a televised address to the nation by President Robert Mugabe Source: AP

Madaxweyne Robert Mugabe oo hogaamintii Zanu PF laga xayuubiyay


 

Xisbiga ka taliya wadanka Zimbabwe ee Zanu-PF, ayaa jagadii hogaaminta xisbiga ee uu madaxweyne / Robert Mugabe, hayay ka xayuubiyay Axadii 19/11/2017, arintan oo imanaysa kadib xiisada siyaasadeed oo maalmihii u danbeeyay isa soo tarayay .

Xiisadahan ayaa ka biloowday kadib markii uu madaxweyne Mugabe, jagada ka tuuray madaxweyne ku xigihii / Emmerson Mnangagwa, taasoo lala xidhiidhiyay in uu Mugabe qorshaynayey in uu xaaskiisa / Grace Mugabe, u dhiibo jagada madaxweyne ku xigeenka wadanka , si uu talaabada xigta madaxtinimada wadanka ugu wareejiyo, ama ay si dastuuri ah oogu wareegto hadii uu isagu booska baneeyo (sababtay doontaba ha ku timaadee).

Ciidamada Militariga ayaa dhankooda maalintii arbacada 15/11/2017, waxa ay madaxweyne Robert Mugabe galiyeen xabsi guri, halka tira badan oo madaxdii la jeelka ahayd qaar la xidhxidhay qaarna xisbiga laga saaray, …  iyadoo amaanka wadankana aad loo adkeeyay. Madaxda ciidanka ayaa sheegeen in arinkan uusan aheyn af ganbe ee ay sugayaan xasiloonida wadanka.

Talaabadan ciidanku ay qaadeen ayaa u muuqata in ay ka hor tagayeen talaabooyinka xigi kara ee madaxweyne Mugabe uu qaadi karo.

Militariga kulan ay layeesheen Robert Mugabi, ayaan wax faahfaahina laga soo saarin , balse  sida la sheegay , madaxda militarigu waxa ay Mugabe usoo jeediyeen in uu iska casilo hogaanka wadanka, balse sida muuqata, Mugabe arinkaas ma aqbalin, iyadooy jiraan warar sheegaya in uu codsaday waqti dheeraada in la siiyo oo uu bixitaankiisa kaga soo fikiro.

Kulankaas ka dib Madaxweyne/ Robert Mugabi ayaa hadal uu shacabka warbaahinta u mariyay waxa uu u sheegay , in isaga iyo madaxda ciidankuba ay hoosta ka wada xariiqeen in ay mihiim tahay ilaalinta xaalada amaanka iyo daganaanshaha wadanka, si dadku ay nolol maalmeelkooda caadiga ah si xasilooniya u qabsadaan, isagoo sheegay in shirwaynaha Xisbiga Zanu PF , oo sida loo balansanaa bisha December loo qoondeeyay , in uu go’aamadiisa kama danbasyta ah ku soo gudbin doono.

Basle sida muuqata madaxda xisbiga Zanu PF, ayaa iyagu Mugabe ka tashaday, iyagoo hoosta ka xariiqay in kaarkiisu haatan uusan u shaqaynaynin, ,kadibna u doortay Hogaanka xisbiga madaxweyne ku xixigihii hore ee  Mugabe uu jagada ka eryay / Emmerson Mnangagwa, ahna ninka xisbiga u sharaxan ka qayb galka doorashada 2018.

 

Hadalkaas Mugabe uu warbaahinta u mariyay shacabka, ayaa sababay cadha badan oo ay muujiyeen dad badan oo banaan baxyo ku muujiyeen in ayna ku qancin hadalkaas, iyagoo sheegay in ay sugayeen in Mugabe uu is casilo.

Dareenka wadanka Zimbabwe ka jira ayaa ah in Madaxweyne Robert Mugabi - oo wadanka taladiisa soo hayay mudo 37 sana ah, laga soo bilaabo markii wadanku uu xoriyada qaatay 1980,   sanadihii oogu danbeeyayna  xaaladiisa caafimaadna ay aad u liidatay -  in uusan dhab ahaan isagu wadanka u maamulin, ee ay jireen dhinacyo ku hareeraysnaa oo ay oogu horayso haweeneeydiisa / Grace Mugabe, in ay ahaayeen kuwa sida dhabta ah wadanka u maamuli jiray, Mugabina uu ku sugnaa xaalad ayna isaga waxba gacanta oogu jirin.

Maalmihii fara badnaa ee / Robert Mogabi, ee dhanka siyaasada wadanka Zimbabwe, ayaa u muuqda in ay saacadihii u danbeeyay ka hadheen, waxa haatan la isku hayana ay tahay sidii xilka si nabada looga wareejin lahaa, iyadoo odayga waqtiga dheer hogaanka wadanka soo hayayna aan lagu diganin, loona diyaariyo dariiq u qalma oo uu ooga baxo aqalka madaxtooyada oo waa badani oogu baryay gabal badana oogu dhacay.


Share
Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Madaxweyne Robert Mugabe oo hogaamintii Zanu PF laga xayuubiyay | SBS Somali