Watch FIFA World Cup 2026™ LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Australia Explained: Adeegyada Sharciga ee Haweenka Australia: Baro Xuquuqdaada

Australia Explained - Womens Legal

Women’s legal services ensure that women can access support when they need it most. Credit: Maskot/Getty Images/Maskot

Takoorka goobaha shaqada, tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyo sinnaan-la’aanta dhaqaale, waa qaar ka mid ah sababaha ay haweenku ugu baahan yihiin adeegyo sharci oo iyaga u gaar ah. Australia dhexdeeda, waxaa ka jira adeegyo sharci oo bilaash ah oo u taagan u doodista haweenka nugul, iyadoo la raacayo hab ammaan ah, qarsoodi ah, isla markaana tixgelinaya hiddaha iyo dhaqanka


Key Points
  • Haweenku waxay waajahaan caqabado sharci oo ka duwan kuwa ragga, sida takooridda goobaha shaqada, dagaallada qoyska iyo sinnaan la’aanta dakhliga
  • Xuquuqda sharciga ee haweenku waxay mudnaanta siisaa ammaanka iyo qarsoodiga
  • Adeegyo lacag la’aan ah ayaa u diyaar ah haweenka u qalma ee dalka oo dhan
  • Adeegyo gaar loogy qaabeeyey ayaa caawin kara haweenka soo-galootida iyo qaxoontiga kasoo jeeda iyo kuwa First Nations

Nidaamka sharciga ee Australia waa mid aad u ballaaran, mararka qaarkoodna adag in la fahmo. Gaar ahaan haweenkana wuu ugu sii daran yahay; ma aha oo kaliya inay u baahan karaan taageero sharci oo dheeri ah, balse waxay sidoo kale la kulmaan caqabado hortaagan helitaanka adeegyadaas.

Si arrimahan wax looga qabto, waxaa jira adeegyo sharci oo u gaar ah haweenka oo xaqiijinaya inay helaan taageero, marka ay aadka ugu baahan yihiin.

Haweenku ma u baahan yihiin taageero sharci oo u gaar ah?

Adrianne Walters (Ai-dri-arn Wol-terz) waa Agaasimaha Fulinta ee hay’adda Women’s Legal Services Australia. Waa xarun heer qaran ah oo u taagan caddaaladda, badqabka, iyo sinnaanta dhammaan haweenka:

"Dhibaatooyinka sharci ee haweenka soo food saara way ka duwan yihiin kuwa ragga, sababtuna waa tacaddiyada iyo takoorka aannu u nugulnahay. Haweenku waxay la kulmaan tacaddiyada guriga, kuwa qoyska, iyo xadgudubyada galmada oo aad u sarreeya. Waxaannu nahay kuwa inta badan carruurta xannaaneeya, dakhli yar ayaa na soo gala, hantiduna naguma badna. Arrimahaas oo dhami waxay abuuraan dhibaatooyin sharci oo u gaar ah haweenka, waxayna horseedaan baahida adeegyo sharci oo xog-ogaal u ah, dhibaatooyinkaas maskaxeed (trauma-informed) iyo baahiyaha haweenka—taasina waa waxa ay bixiyaan xarumaha Women’s Legal Services." ]] ayay tiri

Haddii aad qabto dhibaato sharci oo aadan awoodin qareen, waxaa jira xarun la yiraahdo Women’s Legal Service oo ka jirta gobol kasta oo aad deggan tahay. Xataa haddii aysan iyagu ku caawin karin, waxay kuu tilmaamayaan adeegyo kale.

Australia Explained - Womens Legal
Women do face different legal problems to men. Credit: filadendron/Getty Images

Yaa kaa caawin kara dagaallada qoyska?

Waxay kuu qabanayaan ballamo, waxayna kuu diyaarinayaan qareen kugu weheliya maxkamadda arrimaha la xiriira tacaddiyada qoyska iyo dacwadaha kale ee qoyska. Haweenka deggan miyiga ama meelaha fog-fagna, waxaa jira caawinaad ay ku heli karaan habka online-ka ah

We're helping women on temporary visas who are trying to escape violence, to navigate really complex immigration, family law, family violence systems.
Adrianne Walters

Adeegayaal taageero oo badan ayaa iyaguna si gaar ah haweenka Frista Nations uga caawin kara arrimaha shaqada.

Yaa kaa caawin kara xuquuqda goobta shaqada?

Xarumaha Working Women’s Centres waxay ka hawlgalaan guud ahaan dalka, waxayna bixiyaan talo sharci oo qarsoodi iyo bilaash-ba ah. Haddii aad la kulanto dhibaateyn galmo, takoor, ama si aan shari ahayn lagaa eryo shaqada, xarunta deegaankaaga ayaa kuu diyaar ah inay ku barto xuquuqdaada.

Australia Explained - Womens Legal
Working Women's Centres operate across Australia, offering free and confidential legal advice. Credit: JohnnyGreig/Getty Images

Aira Firdaus (Eye-ra Feer-daus) waa xubin u doodda xuquuqda ee hay’adda Working Women's Centre Australia:

"Haweenku waxay leeyihiin waayo-aragnimo goobta shaqada ah oo iyaga u gaar ah, waxayna u baahan yihiin in looga jawaabo dhibaatooyinkaas hab u gaar ah haweenka. Sidaas darteed, ujeeddada xarumaha Working Women’s Centres, waa inay badbaado u noqdaan haweenka aan xubin ka ahayn ururrada shaqaalaha (unions) ee laga yaabo inay waayeen fursad ay ku helaan talo sharci."]] ayay tiri

Arrimaha shaqada ayaa sii adkaan kara marka uu qofku yahay soo-galooti, qaxooti, ama qof ka mid ah dadka asalka ah ee dalka, kuwaas oo inta badan la kulma xaalado shaqo oo adag.

"Haween badan oo ka mid ah kuwa xarumaha noogu yimaaddaa, waxay ka yimaadaan shaqooyin mushaharkoodu hooseeyo iyo goobo shaqo oo aan ammaan ahayn. Dhibaatooyinka ay noo sheegaanna waa kuwo isku murugsan oo aan ahayn hal arrin oo kaliya. Tusaale ahaan, isla haweeneyda noo timaada ee la kulantay dhibaateyn galmo, waxaa dhici karta in shaqada laga eryay, maadaama ay arrintaas ka hadashay, ama waxaa laga yaabaa in mushaharkeedii la xaday."]] aya tiri

Ms. Firdaus waxay sheegtay in marka aad xiriir la sameyso xarunta deegaankaaga, ay kugu xiri karaan adeegyada guryaha iyo kuwa bulshadaba:

Australia Explained - Womens Legal
Migrant and refugee women face additional barriers when seeking legal representation . Source: Moment RF / Kawee Srital-on/Getty Images

Taageero ma ka heli karaa dhinaca turjumaadda?

Xarunta inTouch Women’s Legal Centre waxay bixisaa talo sharci, oo bilaash ah oo aad ku helayso luuqaddaada , isla markaana ixtiraamta dhaqanka:

MMs. Walters waxay xustay in xarumaha kale ee haweenka ee Australia ay iyaguna diyaar u yihiin inay ku caawiyaan, haddii ay luuqaddu kugu adag tahay.

"Qareenno badan oo jooga xarumaha Women's Legal Services waxay dadka u qabtaan turjubaanno. Waxaad codsan kartaa turjubaan ku caawiya xilliga ballanta ama maxkamadda. Haddii aadan awoodin kharashka turjubaanka, waxaa jira siyaabo badan oo aad lacag la'aan ugu heli karto. Aad ayay muhiim u tahay inaad adeegga u sheegto inaad u baahan tahay turjubaan."]] ayay tiri

Meelaha aad la xiriiri karto

Women's Legal Services (state or territory)

Working Women's Centre Australia (state or territory) or phone the listed 1800 number

inTouch Women’s Legal Centre (Victoria only) or phone 1800 755 988 

Gobollada iyo baadiyaha fog

Meelahan hoose waxaad ka heli kartaa taageero fool-ka-foof ah, ama online ah. Waxaad kale oo ka heli kartaa taageero tephone adigoo uu maraya xarumaha Community Lega Center iyo Legal Aid-ka hoos ku taxan.

Legal Aid ACT

Legal Aid NSW

Legal Aid NT

Legal Aid Queensland

Legal Services Commission SA

Tasmania Legal Aid

Victoria Legal Aid

Legal Aid WA

Haddii aad ku sugantahay xaalad khatar khatar ah,, wac 000. Waxaad sidoo kale wici kartaa 1800RESPECT (1800 737 732) si aad u hesho taageero qarsoodi ah.

Kusoo biir oo la soco Australia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawiyaa degitaanka iyo ku xasilka noloshaada iyo dalkaaga cusub.

Ma qabtaa su'aal, ama ma naguu soo biirinaysaa feker? Fadlan noogu soo diri Email-ka australiaexplained@sbs.com.au


Share

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now